4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 1 , 2021
Taliyaha Booliiska Gobolka Nugaal oo ka warbixiyay weerarkii lagu qaaday Hoygiisa
 

Jimco, October, 1, 2021 (HOL) - Taliyaha Booliiska gobolka Nugaal Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jaamac ayaa faahfaahin ka bixiyay weerar xalay lagu qaaday hoyga uu ka degan yahay magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Taliyaha oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in xalay hoygiisa ay soo weerareen dad kasoo horjeeda sharciga, islamarkaana doonayay iney dhistaan dhul aysan laheyn oo laga hor istaagay.

Wuxuu intaasi ku daray taliye Maxamed Aadan iney gurigiisa soo weerareen nin ciidamada Booliiska xireen oo hoggaaminaayay dadka doonayay iney dhistaan dhulka aan sharciga aheyn wiil uu dhalay iyo rag kale oo ka tirsanaa ciidamada, talaabo laga qaadi doono.

Hadalka taliyaha ayaa imaanaya xili xalay saqdii dhaxe Maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen guriga taliye Maxamed Aadan islamarkaana uu iska difaacay weerarka lagu soo qaaday, kaasoo maanta siweyn looga hadal haayay magaalada Garoowe.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]