4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 1 , 2021
Xuseen Dayr "Somaliland cid ay Xamar wakiil uga dhigatay ma jirto"
 

Jimco, October, 1, 2021 (HOL) - Afhayeenka Guddida Ka hortaga Caabuqa Covid-19 ee Somaliland Xuseen Aadan Cige (Dayr), ayaa sheegay in xildhibaannada asal ahaan Somaliland kasoo jeeda ee lagu doortay magaalada Muqdisho anay ma talin Somaliland.

Dayr ayaa xildhibaannada lagu doortay magaalada Muqdisho ku tilmaamay calooshooda u shaqaystayaal naftooda mooyee aan cid kale matalin, wuxuuna intaa raaciyay in Somaliland ay leedahay golayaal shacabku soo doorteen oo matala.

"Somaliland waa dal madax-bannaan, muddo 30 sannadooda isagu is-maamulayay, ninka leh maanta Somaliland ayaan matalayaa waa nin riyoonaya, Somaliland cid ay u diratay Xamar ama ay wakiil uga dhigatay majirto, Somaliland waxa ka wakiil ah dadkay doorteen" ayuu yidhi Dayr.

"Cida leh Somaliland ayaanu matalaynaa, oo waliba isticmaalaya eray xaqiraada ah ee "gobolada waqooyi", naftooda ayay matalayaan, waa calooshooda u shaqaystayaal, Somaliland na haba yaraatee ma matalaan" ayuu hadalkiisa ku daray Dayr.

Xukuumada Somaliland ayaa marar kala duwan iska fogaysay in ay wax lug ah ku leedahay, isla markaana, ay matali karaan xildhibaannada asal ahaan Somaliland kasoo jeeda ee lagu doortay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dowlada Soomaaliya sheegtay in ay Somaliland ku matalayaan golayaasha Soomaaliya.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]