4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 1 , 2021
Ahlusunna: Annagu duulaan kuma nihin Galmudug balse waa nala kusoo duulay


Jimco, October, 1, 2021 (HOL) - Xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa gobolka Galgaduud ee Galmudug, iyadoo ciiddamada Ahlusunna Waljameeca ay isku ballaariyeen qeybo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo ay qabteen masuuliyiinta Ahlusunna ee gaaray degmada Guriceel, waxay sheegeen in aysan iyagu duulaan aheyn, balse dowladda federalka iyo Galmudug ay kusoo duuleen.

Dhinaca kale, saraakiil katirsan Ahlusunna oo la hadlay warbaahinta waxay sheegeen in ay guul weyn ka gaareen dagaal ay sheegeen in ciiddamada Galmudug iyo kuwa xoogga kusoo qaadeen Bohol.

Saraakiishu waxay soo bandhigeen hub iyo gaadiid dagaal ay ku qabsadeen dagaalkii shalay, waxayna hubkaas ku tilmaameen inuu ahaa hubkii loogu talo galay in Alshabaab looga xorreeyo Galmudug.

Waxay sheegeen sababta ku khasabtay in ay dib iskusoo abaabulaan in ay tahay, Galmudug oo ay ku eedeeyeen in ay ka seexatay dagaalka Alshabaab.

Magaalada Guriceel oo galabta ay la wareegeen ciiddamo katirsan Ahlusunna, waxaa ka socda dabaal deg lagusoo dhoweynayo dib u qabsashada Ahlusunna ee Guriceel.

Sannadkii 2008, Guriceel waxay ahayd meeshii ugu horraysay oo uu ka bilowday halgankii dagaal ee Ahlusunna ay la gashay Alshabaab.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online