4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 1 , 2021
Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose
 

Jimco, October, 1, 2021 (HOL) - Dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay Saldhig ciidamada Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab weerar ku qaadeen Saldhiga ciidamada Jubbaland ee Baar Sanguuni, kaasoo la sheegay inuu ahaa mid aad u xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inuu dagaalka ka dhashay khasaare kala duwan balse aysan xaqiijin karin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada dagaalamay ee la xiriirta faahfaahinada ku saabsan dagaalka dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamada maamulka Jubbaland.

Weerarkan ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose ayaa imaanaya, xili maalmo ka hor ciidamada Nabadsugida Jubbaland ay sheegeen in howlgalo ay ka sameeyeen duuleedka magaalada Kismaayo ay kusoo qaqabteen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online