4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 9 , 2021
Guddoomiye ku xigeenka degmada Wadajir oo goordhaw ka badbaaday iskuday lagu khaarajin rabay
 

Talaado, November 9, 2021 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Siyaasada maamulka degmada Wadajir Ciise Sharaawe Cabdi ayaa sheegay inuu Maanta ka badbaaday weerar qorsheysan oo la doonayay in lagu dilo xili uu kasoo baxay xarunta maamulka degmada Wadajir.

Guddoomiye Sharaawe oo goordhaw Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xili kasoo baxay goobtiisa shaqo ee xarunta degmada meel aanan ka fogeyn gaarigii uu watay lagu hor jaray gaari kale, dabadeedna raasaast lagu furay.

Weerarkaas ayuu sheegay gudddoomiye Sharaawe iney ka dambeeyeen Xubno kale oo ka tirsan maamulka degmada, isla markaana la aqoonsaday rag kamid ah kuwa weerarka ku soo qaaday oo ay qabteen qaarkood ayaga oo dhaawac ah.

” Ma moodeen Maanta ka sokow inaan cadow labaad leeyahay, balse waxaa ii cadaatay in cadowgii uu ka dhex billowday dowladda dhexdeeda oo dadkii aan isku cadowga aheyn aan wadashaqeyneynay ay is beegsanayaan” ayuu yiri guddoomiye Sharaawe.

Gabagabadii guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Maamulka degmada Wadajir Ciise Shiraawe Cabdi ayaa ugu baaqay laamaha Amniga inay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan weerarka lagu soo qaaday ee la doonayay in lagu khaarajiyo.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]