4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 9 , 2021
Midowga Yurub oo ka joojiyay mudaadiniinta Soomaaliyeed ee aan haysan Baasaboor caalami ah in ay codsadaan shaqooyinka xafiisyadooda
 

Talaado, November 9, 2021 (HOL) - Midowga Yurub ayaa ka xannibay muwaadiiinta Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa ku sugan in ay codsan karaan shaqooyin ay soo dhajiyaan, iyadoo lagu xiray in ay haystaan baasaboor shisheeye.

In ka badan 40 shaqo oo ka bannaan xafiisyada howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya, ayaa codsayaasha maxalliga ah lagu xiray shuruudo ka xanibaya in ay ka faa’idaystaan shaqooyinkan.  

Dukumenti ay heshay warbaahinta ayaa muujinaya in shaqooyinkaan loo xiray dadka haysta dhalashada dalalka Midowga Yurub ama kuwa haysta Baasaboorka dalalka caawinaya barnaamijyada EU-du wado.

Kumanaan Soomaali oo aan haysan baasaboor reer galbeed oo shaqo doon ah, ayaa ku sugan Soomaliya, waxayna tani kordhin kartaa in dhallinyaro badan ka cararaan dalka si ay u helaan baasaboor shisheeye.

Lama garanayo sababta uu howlgalka Midowga Yurub muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan haysan baasaboorka shisheeye uga reebay shaqooyinka xafiisyadooda.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online