4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 9 , 2021
Dowladda Soomaaliya iyo golaha amniga midowga Afrika oo Muqdisho kaga wada hadlay mustaqbalka AMISOM
 

Talaado, November 9, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Muqdisho ku qaabilay safiirrada 15-ka dowladdood ee xubnaha ka ah golaha Ammaanka iyo nabadda ee Midowga Afrika.

Wakiilka joogtada ee midowga Afrika, ahna danjiraha dowladda Masar u fadhiya Ethoipia  Maxamed Gad, ayaa hoggaaminaya wafdigan.

Waxay ka wada hadleen shaqada ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya, Welise wax go'aan kama soo bixin kulankaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka rajaynayso midowga Afrika in ay ka garwaaqsadaan qorshahooda ku saabsanaa in wax laga beddelo howlgalka AMISOM, lana yimaadaan qorshe lagu wada shaqayn karo.

“Diyaar garow xooggan ayaan ku jirnaa, waxaan arkaynaa waxa kasoo baxa, laakiin, annaga arrinteennu way iska caddahay, oo waan u sheegnay in aan raalli ka ahayn wax kaste oo ka hor imaanaya heshiiska AMISOM,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

Howlgalka AMISOM ayaa ku eg bisha December 2021, waxaana midowga Afrika uu ka shaqeynayaan in howlgalka awooddiisa la ballaariyo oo ciiddamada la badiyo, howgalkuna uu sii shaqeeyo illaa 2026.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online