4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 9 , 2021
Dowladda Koonfur Afrika oo beenisay in Moos Soomaaliya laga dhoofiyay oo dalkeeda la geeyay laga helay Bakteeriya
 

Talaado, November 9, 2021 (HOL) - Dowladda Koonfur Afrika ayaa cambaareysay warar been abuur ah oo ku saabsan in Moos Soomaaliya laga keenay oo ay ku jiraan nooc ka mid ah bakteeriyada loo yaqaan Helicobacter, la galiyay dalkaas.

Qoraal ay maanta soo saartay waaxda Beeraha, Dib u habeynta Dhulka iyo Horumarinta Reer Miyiga, ayaa lagu sheegay in aanay jirin Moos ka yimid Soomaaliya oo dhawaan lagasoo dajiyay dekedaha dalkaas.

“Waaxdu waxay sheegtay in Koonfur Afrika ay nidaamiso soo dejinta dhirta iyo wax-soo-saarka dhirta iyadoo la eegayo Xeerka Cayayaanka Beeraha, 1983 (Xeer No. 36 ee 1983) iyo xeerarkeeda la xidhiidha, kuwaas oo u baahan in badeecadaha la soo dejiyo lagu kormeero dekedaha ama, wixii laga shakiyana la galiyo karantiil,” ayaa lagu yiri bayaanka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wasaaraddu ay si joogto ah uga feejigan tahay la socodka cuntooyinka dalka soo gala, isla markaana badeecad kasta oo lagu tuhmo inay khatar ku tahay ama waxyeello u geysanayso macaamiisha ama dhulka aan la oggolaan doonin inay soo gasho jamhuuriyadda Koonfur Koonfiur Afrika.

Warka kasoo baxay Koonfur Afrika ayaa imaanaya, iyadoo baraha intenetka gaar ahaanTwitterka lagu faafiyay Moos lagasoo dhoofiyay Soomaaliya oo laga helay Bakteeriya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online