4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 9 , 2021
Xasan Sheekh Maxamuud "Kursiga madaxweynaha waa mid ka dhaxeeya Soomaaliweyn, ma aha inuu qof isaga fadhiyo"
 

Talaado, November 9, 2021 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay munaasabad ka dhacday dalka Turkiga ayaa ku baaqay in la dadajiyo qabsoomida doorashada dalka oo waqtiyo badan dib u dhac ku yimid iney ku qabsoonto waqtiyadii lagu balamay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay inaan loo baahneyn in kursiga oo hal qof isaga fadhiyo, islamarkaana lagu heshiiyay in afartii sanaba mar doorasho qabsoonto.

"Aniga sideedii Febraayo 2017-kii waxaan gurigeyga kasoo toosay anigo madaxweyne ah habeenkiina waxaan ku laabtay anigo shacab ah, si fiicana waan u seexday, marka mahan in kursiga la isku dhajiyo oo hal qof isaga fadhiyo hadii mudadii loo doortay ka dhamaato" ayuu yiri Xasan Sheekh.

Waxuu sidoo kale sheegay inuu yahay Musharax u taagan markale qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya, isagoo ku baaqay in qof walba uu isku kalsoonaado doorashadana daaha laga qaado.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]