1/20/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 8 , 2021
Itoobiya : Khadka Internetka oo ka maqan guud ahaan dalkaasi
 

Isniin, November 8, 2021 (HOL) - Laga bilaabo galinkii dambe ee maanta ayaa waxaa si guud dalka Itoobiya ooga maqan khadka Internetka, gaar ahaan baraha ay bulshadu kuwada xiriirto sida, Facebook, iyo Whatsapp.

Lama oga sababta loo jaray khadka Internetka, balse wararka qaar ayaa sheegaya in dowladdu sababo aan wali la ogaan ay khadka u jartay.

Tan iyo intii ay dib uga xoogaysteen dagaallada u dhaxeeyay dowladda iyo kooxda TPLF, waxaa shaki wayn laga qabay in dowladdu oo maamusha isgaarsiinta ay jari karto khadka Internetka, iyadoo looga bartay dowladda in markasta oo xaalku adkaado ay goyso isgaarsiinta waddanka.

Dadka ku dhaqan gudaha Itoobiya ayaa hadda isticmaalaya barnaamijyada fududeeya khadka Internetka, ee la isticmaalo inta badan marka khadka culays lagu furo ama qayb gooni ah la xiro.

Dowladda Itoobiya ayaa inta badan maamusha dhammaan adeegyada aasaasiga ee ka howlgala gudaha Itoobiya, sida Isgaarsiinta, Korontada, iyo wixii lamida waxaana dhici karta haddii dowladdu hawlgal gaar ah ku jirto, ama xaaladda wadanku halis ku jirto in khadka isgaarsiinta la gooyo.

Arrimahan ayaa kusoo hagaagaya xilli si guud Itoobiya ugu jirto xaalad deg deg ah oo dowladdu awoodo gaar ah ay leedahay wakhti xaadirkan.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]