4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 8 , 2021
Wasiir Cumar Cali "Hoteelada ku yaala xeebta Liido waxa ka socda waa wax aanan indhaha laga qarsan karin mana u dulqaadaneyno"
 

Isniin, November 8, 2021 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cali Rooble ayaa sheegay in Hoteelo kuyaala Xeebta Liido ay ka socdaan waxyaabo dhaqan xumo ah oo aan u wanaagsanen bulshada Soomaaliya iyo diinta Islaamkaba.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in Shilalka Mooto ee ka dhaca magaalada Muqdisho ay sabab u tahay dhalinyarada wada qaarkood oo isticmaala daawooyinka maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.

"Hoteelada ku yaala xeebta Liido waxaa ka socda wax aanan indhaha laga qarsan karin mana u dulqaadaneyno tilaabo deg deg ah ayaana ka qadaneyna, sido kale waxyaabaha xumaanta ah ee ka socda Aalada Tiktok aan loo dul qaadan karin ayna yihiin kuwa ka baxsan Anshaxii iyo Akhlaaqdii ummadda Soomaaliyeed oo sii dhimaneysa iyana waxban ka qaban doona dalal naga waaweyn ayaa iska xiray oo sida Hindiya oo inaga dad badan marka inagana talaaboyin baan ka qaadi doona Shirkadda Tiktok " ayuu yiri wasiir Cumar Cali.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya ayaa imaanaya xili shalay Booliska Soomaaliya  ay ka shireen sidii ay wax uga qaban lahayeen waxyaabaha anshax xumada ah ee dalka kusoo kordhiyeen dhalinyarada isticmaala maandooriyaha iyo kuwa waxyaabaha anshax darada ah kusoo bandhiga Aalada tiktok.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]