4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 8 , 2021
Ciidanka Booliiska Somaliland oo qabtay maandooriye iyo alaab la xaday
 

Isniin, Noveber, 8, 2021 (HOL) - Ciidanka Booliiska Somaliland, laanta saldhiga Koodbuur ee Hargaysa, ayaa gacanta ku dhigay 20 litir oo khamri nooca Jiinka loo yaqaan ah oo guri cidlo ah lagu hayay iyo alaab iskugu jirta mobilo, koombuutaro iyo baasboor laga xaday xaafada Badda-cas ee Hargaysa.

"Waxaanu soo bandhigaynaa laba howlgal oo aanu qaadnay, oo aanu midna kusoo qabanay khamri, midna kusoo qabanay alaab tuugo ah oo faro badan, oo laga xaday xaafada Badda-cas, khamrigana waxaanu kasoo qabanay xaafada la yidhaahdo Malowle, waxaanu soo qabanay 22 litir oo nooca cad cad ee Jiinka la yidhaahdo ah" sida waxa yidhi sarkaal ka tirsan Saldhiga Koodbuur.

Sarkaalka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen eedaysanayaashii khamriga loo qabtay iyo qaar kamid ah eedaysanayaasha loo tuhunsanyahay in ay ka danbeeyaan dhacdada tuugada ah ee laga gaystay xaafada Badda-cas ee Hargaysa.

"Waanu qabanay eedaysanihii khamriga hayay, guri meel cidlo ah ku yaala ayay ahayd, waxa kale oo aanu kusoo guulaysanay dhacdadan tuugada ah, habeen hore iyo shalay, oo ay noo xidhanyihiin tuugtii wax xadaysay, laba eedaysane oo kamid ah kuwii wax xadayay iyo alaabtii ay xadeen dhamaan" ayuu yidhi sarkaalka u hadlay Saldhiga Koodbuur.

Booliiska ayaa sheegay in khamriga loo adeegsaday haween xijaaban si ay si qarsoodi ah oo aan la dareemi karin, ugu kala gudbiyaan ganacsatada iyo macaamiisha.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]