4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 8 , 2021
Taliska NISA ee koonfur galbeed oo ka hadlay howlgal lagu burburiyay shabakad katirsanayd Shabaab
 

Isniin, November 8, 2021 (HOL) - Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed waxa ay ku soo qabteen 12 ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Maamulka Koonfur Galbeed Maxamuud Maxamed Xasan ayaa sheegay in Ciidamadooda ay ku guuleysteen in ay bur buriyaan Shabakad Argagixisoo oo Shabaab ka tirsanayd.

“Waxaan ku soo qab-qabanay 12 ka tirsan Al-shabaab howlgal lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, waxaa naga go’an inaan ilaalinno shacabka iyo musharraxiinta inta lagu guda jiro doorashada baarlamaanka federaalka,” ayuu yiri taliyaha oo intaas ku daray in shabakadan ay isku dayaysay inay cabsi galin ka abuuraan Baydhabo ka hor inta aan lasoo xirin.

Al-Shabaab kama hadlin howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen deegaanada maamulkaasi balse howlgalkan ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan ay dhaceyso doorashada xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online