4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 8 , 2021
Faahfaahino kasoo baxaya qarax xoogan oo ka dhacay degmada Baardheere
 

Isniin, November 8, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax culus oo ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kaasoo laga maqlay guud ahaan xaafadaha magaaladaasi.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan ayaa la sheegay inuu ka dhex dhacay gudaha xerada ADC-da, halkaasoo tababar uu uga socday ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la sheegay inuu kasoo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Qaraxaan ayaa la tilmaamay inuu ahaa nooca dhulka lagu aaso ee miinada waxaana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday laba ka mid ah askarta dowladda oo mid ka mid ah magaciisa lagu sheegay Axmed Ibraahim Faarax, waxaana ku dhaawacmay afar ruux oo kale.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney baaritaan ku wadaan sida ay ku dhacday in qarax miino lagu aaso gudaha xerada ADC-da.

Qaraxyada noocaan ah ayaa waxaa masuuliyadiisa sheegta inta badan dagaalamayaasha Al-shabaab oo weeraro qaraxyo ah iyo kuwa toos ahba la beegsada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]