Hiiraan Online
3/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Axad, Nov 7 , 2021
Ra'iisul Wasaare Rooble iyo James Swan oo ka wada hadlay dardar galinta doorashada
Axad, November 7, 2021 (HOL) - Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.
Labada masuul waxay ka wada hadleen dardargelinta doorashooyinka dib u dhaca badani ku yimaadeen iyo taageerada farsamo iyo dhaqaale ee Beesha Caalamka ay ku bixinayso fulintooda.
Ra’iisul Wasaare Rooble iyo James Swan ayaa isla gartay sida ay muhiimka u tahay in la dedejiyo howlaha doorashooyinka.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa mar kale ku boorriyay dowlad-goboleedyadu in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan qabashada doorashooyinka Golaha Shacabka BFS.
Doorashada golaha shacabka ayaa labadii kursi ee ugu horreeyay lagu doortay magaalada Muqdisho, balse mid kamid ah labada kursi oo uu ku guulaystay raysal wasaare ku xigeenka ayaa dacwad lagasoo gudbiyay awgeed loo joojiyay in lagu dhawaaqo natiijadiisa.
Dhawaan beesha caalamka ayaa walaac xooggan ka muujisay dib u dhaca ku yimid doorashada aqalka hoose waxayna dowladda iyo dowlad goboleedyada ugu baaqeen in la dadajiyo dooraashada.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
Madaxweynaha Puntland oo isku shaandhayn ku sameeyay qaar kamid ah taliyayaasha laaamaha booliiska
11/7/2021 4:43 PM EST
Axad, November 7, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa isbedel weyn ku sameeyay taliyayaasha ciiddamada booliiska gobollada Bari, Nugaal, Madaxtooyada, Dekeda Bosaso iyo hoggaanka dambi baarista ee CID.
Taliska Booliiska Soomaaliya oo digniin adag kasoo saaray dhaca buracada geystaan iyo Anshax xumada dadka isticmaala barta Tiktok
11/7/2021 8:47 AM EST
Axad, November 7, 2021 (HOL) - Kulan balaaran oo ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho Taliyeyaasha Booliiska gobolka Banaadir oo uu shir guddoominaayay Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxaa looga hadlay wax ka qabashada falalka burcadnimada iyo anshax xumada ay sameynayaan dhalinyarada isticmaasha aalada Tiktok.
Jubbaland : Qofkii ugu horeeyay ayaa u dhintay abaaraha ka jira deegaanada maamulkaasi
11/7/2021 6:28 AM EST
Axad, November 7, 2021 (HOL) - Iyadoo mudooyinkii dambe ay soo kordheysay walaaca iyo qeyla dhaanta laga muujinaayay abaaro baahsan oo ka jira deegaano ka mid ah maamul goboleedka Jubbaland ayaa lasoo sheegaya in haatan uu u geeriyooday qofkii ugu horeeyay Gaajo iyo Haraad.
Banaanbaxyo waawayn oo maanta ka dhacay magaalada Jigjiga
11/7/2021 6:12 AM EST
Axad, November 7, 2021 (HOL) - Subanimadii hore ee maanta waxaa caasimadda dowlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya ka bilowday banaanbaxyo waawayn oo shacabka qaybihiisa kala duwan isugu soo baxeen waddooyinka magaalada Jigjiga.
Puntand oo askar u xirtay is-rasaasayn xalay ka dhacday magaalada Garowe
11/7/2021 4:06 AM EST
Axad, November 7, 2021 (HOL) - Dhowr askari katirsan madaxtooyada Puntland ayaa la xiray kadib markii lagu eedeeyay in ay mas'uul ka yihiin shaqaaqo is-rasaasayn ah oo xalay magaalada Garowe ku dhexmaray labo ciiddan oo kala tirsanaa madaxtooyada iyo booliiska.
Madaxweyne Mustafe cagjar " Aroorta aad maqashaan Tigree baa Addis Ababa galay, waxaad ogaataan inaad maqlaysaan Soomaali baa Addis Ababa ku socota oo galaya"
11/7/2021 3:54 AM EST
Axad, November 7, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida itoobiya Mustafe cagjar oo shalay hadal ka jeedinayay kulan dhaxmaray xukuumada dowlad degaanka iyo Odayaal dhaqmeedka degaanka ayaa waxaa uu si qoto dheer uga hadlay xaaladaha hadda ka taagan Itoobiya, iyo waxa uga qorshaysan ka xukuumad ahaan ee ay u wajahayaan xaaladda jahawareer ee Itoobiya ka jirta.
Puntland oo sheegatay in doorashooyinkii ka dhacay deegaannadeeda ay sababeen kororka Covid19
11/7/2021 3:15 AM EST
Axad, November 7, 2021 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay inuu kordhay faafitaanka cudurka Covid19, kadib doorashadii golaayasha deegaanka ee dhawaan ka dhacday saddex degmo, taasoo dadweynuhu safaf dhaadheer u galayeen si ay codadkooda u dhiibtaan.
Guryaha iyo shacabka Magaalada Laascaanood oo la diwaan-galinayo
11/7/2021 3:09 AM EST
Axad, Noveber, 7, 2021 (HOL) - Dowlada hoose ee degmada Laascaanood, ayaa bilowday ollole ay ku diwaan-galinayso dhamaan guryaha ku yaala 27 ka xaafadood ee ay magaaladu ka koobantahay, iyo dadka ku nool oo qof qof loo diwaan-galinayo.
Cutubyo ka tirsan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo ka qeyb galay xuska askartii Turkiga uga geeriyooday dagaalkii koowaad ee adduunka
11/7/2021 2:14 AM EST
Axad, November 7, 2021 (HOL) - Cutubyo ka tirsan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo ay wehliyaan kumaandooska Turkiga iyo ciidamo ka socda dalka Azerbaijan ayaa ka qeyb qaatay xusuus loo sameeyay askartii Cusmaaniyiinta ee lagu dilay dagaalkii 1aad ee Adduunka.
Heshiis ku saabsan hanaanka saami qeybsiga wax soo saarka Soomaaliya oo la ansixiyay
11/7/2021 1:24 AM EST
Axad, November 7, 2021 (HOL) - Guddiga wasaaraddaha ee u xilsaaran kasoo talo bixinta iyo isla go’aaminta arrimaha kheyraadka ayaa si wadajir ah u ansixiyay heshiis ku saabsan hanaanka saami qeybsiga wax soo saarka dalka.
Somali News
Tension in Ethiopia as Tigrayan forces advance
-
DW
11/7/2021 2:03 PM EST
A year after the conflict started in northern Ethiopia, fears are growing that TPLF forces could reach Addis Ababa.
US delivers over 300,000 Johnson & Johnson COVID-19 doses to Somalia
-
HOL
11/7/2021 9:05 AM EST
MOGADISHU (HOL) - The US has today delivered an additional 336,500 doses of the Johnson & Johnson COVID-19 vaccine to Somalia bolstering the war against the global pandemic.
Puntland blames recent elections for Covid-19 spike
-
HOL
11/7/2021 7:53 AM EST
GAROWE (HOL) - Puntland witnessed an increase in Covid-19 deaths following the recent district council elections in three districts, the regional government had said.
Sudan talks over coup hit "semi-deadlock", sources from ousted government say
-
Reuters
11/7/2021 1:27 AM EST
Talks to resolve Sudan's political crisis after last month's coup have hit "semi-deadlock" because the military has refused to return to a path of democratic transition, two sources from the ousted government said on Saturday.
US Offers $21 Million Cash Reward for Information on Four Al-Shabaab Leaders
-
Mwakilishi
11/7/2021 1:15 AM EST
The US has announced a combined cash reward of $21 million for information leading to the arrest of four al-Shabaab leaders.
Two officers jailed for 10 years for murder of a Mandera woman
-
Capital News
11/7/2021 1:54 AM EST
Two police officers were jailed for 10 years by the Garissa High court following the fatal shooting of a woman in Mandera three years ago.
Tigray war escalation fuels alarm in East Africa
-
Nation Africa
11/7/2021 1:43 AM EST
Regional leaders worry escalating violence in Ethiopia could make it difficult to end the crisis, signalling a dangerous path for the country.