4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 7 , 2021
Jubbaland : Qofkii ugu horeeyay ayaa u dhintay abaaraha ka jira deegaanada maamulkaasi
 

Axad, November 7, 2021 (HOL) - Iyadoo mudooyinkii dambe ay soo kordheysay walaaca iyo qeyla dhaanta laga muujinaayay abaaro baahsan oo ka jora deegaano ka mid ah maamul goboleedka Jubbaland ayaa lasoo sheegaya in haatan uu u geeriyooday qofkii ugu horeeyay Gaajo iyo Haraad.

Sida la xaqiijiyay wiil yar oo da'diisa lagu sheegay 12 sano jir ayaa ugu geeriyooday Gaajo iyo Haraad deegaan ka tirsan maamulka Jubbaland gaar ahaan Galbeedka magaalada Kismaayo.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanada maamulka Jubbaland ee sida weyn uga jirto abaarta ayaa warbaahinta u sheegay in xoolahii ay abaartu dhameysay, islamarkaana dadkii ugu badnaa ay isaga barakaceen deegaanada Galbeed ee magaalada Kismaayo.

Degaanada ay abaartu sida weyn u saameeysay dadka iyo duunyadaba waxaa ka mid ah Buulo Xaaji,  Cabdalla Biroole uyo degaannada kale ee u dhaxeeya Magaalada Ksimaayo iyo degaanka hoosingow.

Degaano badan oo ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa laga soo sheegayay abaaro baahsan oo saameeysay dadka iyo duunyada, waxaana haatan xaaladu u muuqaneysa mid kasii dareysa maadama qofkii ugu horeeyay uu u dhintay abaaraha ka jira deegaanada dowlad goboleedka Jubbaland.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]