4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 7 , 2021
Banaanbaxyo waawayn oo maanta ka dhacay magaalada Jigjiga


Axad, November 7, 2021 (HOL) - Subanimadii hore ee maanta waxaa caasimadda dowlad degaanka Soomaalida ee Itoobiya ka bilowday banaanbaxyo waawayn oo shacabka qaybihiisa kala duwan isugu soo baxeen waddooyinka magaalada Jigjiga.

Dadka isusoo baxay oo aad u badnaa ayaa waxay wateen boodhadh ay ku qornaayeen hal ku dhegyo ay ku cabirayeen dareenkooda iyo sida ay uga soo horjeedaan kooxda TPLF, kuna taageerayeen hawlgallada dowladda ee lagu baacsanayo kooxda TPLF.

Duqa magaalada Jigjiga oo kamid ahaa masuuliyiintii kasoo qayb gashay banaanbaxan ayaa geestiisa sheegay in kooxda TPLF dhibaatadii ay Soomaalida ku haysay aysan dib usoo noqon doonin, wuxuuna yiri "TPLF sidii ay Jigjiga u gumaysan jirtay ee ay Villa  Soomaaliya u maamuli jireen Hargaysana dadka ugasoo ugaadhsan jireen dib uma dhacayso".

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Faafan oo isna banaanbaxan joogay ayaa sheegay inaynaan laga noqonayn halganka lagula jiro waxa uu ku tilmaamay Sharwadayaasha TPLF, wuxuuna yiri "Ma aqbalayno in kooxdii shalay na bahdishay ee na dhibaataysay ay markale soo laabtaan".

Banaanbaxyadan ayaa imaanaya xilli uu sii xoogaysanayo dagaalka ay dowladdu kula jirto TPLF, isla markaana kooxda TPLF ay sheeganayso guulo iyo inay qabsadeen magaalooyin hor leh, dowladduna ay go'aansatay inay meesha ka saarto kooxda TPLF.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]