4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 7 , 2021
Puntand oo askar u xirtay is-rasaasayn xalay ka dhacday magaalada Garowe

Axad, November 7, 2021 (HOL) - Dhowr askari katirsan madaxtooyada Puntland ayaa la xiray kadib markii lagu eedeeyay in ay mas'uul ka yihiin shaqaaqo is-rasaasayn ah oo xalay magaalada Garowe ku dhexmaray labo ciiddan oo kala tirsanaa madaxtooyada iyo booliiska.

Hal askari oo katirsan ciiddanka amniga ayaa ku dhaawacmay shaqaaqadaas, taasoo dhinaca kale abuurtay qalqal amni oo ay dareemeen shacabka Garowe.

Saraakiil anmni ayaa u sheegay HOL, in is rasaasayntu ka bilaabatay kadib markii ciiddan katirsan madaxtooyada ay isku dayeen in ay si xoog ku maraan bar kantarool oo lagu baarayay dadka iyo gaadiidka.

Is-rasaasaynta ayaa socotay qadar daqiiqado ah, lamana sheegin khasaare kale oo intaas ka badan oo ka dhashay, balse waxay saameyn ku yeelatay isku socodka gaadiidka iyo ganacsiyadii aagga ka dhowaa oo waqti kooban xirmay.

Arrintan ayaa kusoo aaday xilli magaalada Garowe uu ka socdo howlgallo amni oo lagula dagaalamayo gaadiidka aan taarikada lahayn iyo kuwa bacada madow ku xiran yihiin, oo loo arko in ay qeyb ka yihiin amni xumada.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online