4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 7 , 2021
Madaxweyne Mustafe cagjar " Aroorta aad maqashaan Tigree baa Addis Ababa galay, waxaad ogaataan inaad maqlaysaan Soomaali baa Addis Ababa ku socota oo galaya"
 

Axad, November 7, 2021 (HOL) - Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe cagjar oo  shalay hadal ka jeedinayay kulan dhaxmaray xukuumada dowlad degaanka iyo Odayaal dhaqmeedka degaanka ayaa waxaa uu si qoto dheer uga hadlay xaaladaha hadda ka taagan Itoobiya, iyo waxa uga qorshaysan ka xukuumad ahaan ee ay u wajahayaan xaaladda jahawareer ee Itoobiya ka jirta.

Ugu horeyn waxa uu ka hadlay Aayakatashiga dowlad degaanka Soomaalida, isagoo sheegay inay muqadas tahay aayakatashigu, Jigjigana ay taladu  ka go'do. isagoo yiri " Jigjiga talo aan oolin, iyo dad Soomaali ah oo aan halkan laga dirin, dowladda jirta iyo nidaamka jira waxaan ahayn oo Soomaali matali kara ma jiro"

Waxa kale oo uu sheegay in Soomaalidu dan ugu jirin Tigree Addis Ababa qabsada, maadaama ayuu yiri aysan ka waantoobayn fikiradii iyo waxyaabihii ay horey u aaminsanaayeen oo ahayd dadka "idinku dowlado ha usoo samayninee, dadku waxay soo samaystaan la xaajooda". waa siduu hadalka u dhigayee.

Mar uu ka hadlayay xisbiyada mucaaradka ah ee ku midoobay Maraykanka oo la sheegay inay Soomaali ku jiraan, si ay xukunka Abiyi Axmed meesha uga tuuraan, waxa uu sheegay inay arrintoodaasi aysan waxba ka soconayn, isagoo ku eedeeyay inay Tigreeggu ka dambeeyaan dhismaha xisbiyadaasi mucaaradka ah.

Madaxweyne Mustafe cagjar ayaa mar uu ka hadlayay waxa uga qorshaysan hawlahawakhti xaadorkan ka socda dalka waxa uu yiri " Anaga waxaa noo qorshaysan in cid dambe oo Addis Ababa timaadda oo degaanka maamul usoo dhista, ama keenta ciidan qowmiyadeed, ciidan qaran oo lagu heshiiyay mooyee, ciidan qawmiyadeed oo socda oo halkan soogala inaan la dagaalno ayaa noo qorshaysan". isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri " Waxaan aaminsanahay inaan haysano xoog inagu filan oo Tigreega aan ka yarayn, oo wax qabsan kara".

Mar uu ka hadlayay Tigreeggu haddii ay Addis Ababa galaan waxa laga yeelayo, ayaa waxa uu yiri Mustafe cagjar "  Aroorta aad maqashaan  Tigree baa Addis Ababa galay waxaad ogaataan inaad maqlaysaan Soomaali baa Addis Ababa kusocota oo galaya".

Madaxwayne Mustafe cagjar ayaa sidoo kale sheegay in degaanku nabdoon yahay, xaaladda deg degga ahna si guud Itoobiya loogu soo rogay, degaankana aysan jirin wax gooni uga dhigaya xaaladda deg degga ah ee dalka ka jirta.

Madaxwaynaha ayaa eed usoo jeediyay xisbiyada mucaaradka, isagoo sheegay inay haysato waxa uu ku tilmaamay fahan darro siyaasadeed, oo uu sheegay in fursad kasta oo timaadda ay si khaldan u fahmaan.

Hadallada Madaxweyne Mustafe cagjar ayaa u ekaa kuwo hanjabaad badani ka muuqatay, oo inta badan ku socday kooxda TPLF iyo xisbiyada mucaaradka ah ee la sheegay inay dibadda ku midoobeen, waxayna hadalladiisu kusoo hagaagayaan xilli TPLF ay aad ugu soo dhawaanayso Addis Ababa, isla markaana Mareekanka laga dhisay midow ay ku midoobeen xisbiyo mucaarad ah, oo ay ku jiraan dad Soomaali ah, qaybna ka tahay kooxda TPLF.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]