4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 7 , 2021
Puntland oo sheegatay in doorashooyinkii ka dhacay deegaannadeeda ay sababeen kororka Covid19
 

Axad, November 7, 2021 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay inuu kordhay faafitaanka cudurka Covid19, kadib doorashadii golaayasha deegaanka ee dhawaan ka dhacday saddex degmo, taasoo dadweynuhu safaf dhaadheer u galayeen si ay codadkooda u dhiibtaan.

Qaar kamid ah dadka uu soo ritay cudurka ayaa u geeriyooday, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Puntland.

Wasiirka caafimaadka Puntland. Dr, Jaamac Xasan Maxamed ayaa sheegay in cudurku ka faa’idaystay isku dhawaanshaha dadka badan isla markaana aan la raacin tallaabooyinka lagu xakamaynayay faafida cudurka.

Wasiirku wuxuu sheegay arrintaan in ay walaac horleh keentay maadaama la galay waqtiyadii qaboobaha isla markaana uu cudur sameyn karo faafitaan badan, qatartiisana ay badan tahay.

Wuxuu sheegay saddexdii bilood ee lasoo dhaafay in ay dad badan u geeriyoodeen cudurka, kuwaas oo wasiirku uu sheegay in uusan ku jirin hal qof oo qaatay tallaalka Covid19.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online