4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 7 , 2021
Cutubyo ka tirsan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo ka qeyb galay xuska askartii Turkiga uga geeriyooday dagaalkii koowaad ee adduunka
 

Axad, November 7, 2021 (HOL) - Cutubyo ka tirsan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo ay wehliyaan kumaandooska Turkiga iyo ciidamo ka socda dalka Azerbaijan ayaa ka qeyb qaatay xusuus loo sameeyay askartii Cusmaaniyiinta ee lagu dilay dagaalkii 1aad ee Adduunka.

Saddexda qeybood ee ciiddanka ayaa xuskaan ku sameeyay  buurta Davraz oo gobolka Isparta dalka Turkiga, si ay u xusaan shuhadada Turkiga.

Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa barteeda bulshada la wadaagtay sawirada ciidamada Kumaandooska oo fuulaya buurta Davraz ee Isparta Eğirdir, si ay ixtiraam ugu muujiyan shuhadada.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in 3,000 oo askari, oo ka kala yimid Asarbayjan iyo Soomaaliya, ay ka qaybqaateen xuskan.

1,130 askari oo Turki ah iyo saraakiil ciidan ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay Baku ee dalka hadda la yiraahdo Asarbaijan, kuwaas oo ka barbar dagaalamay ciidamada Asarbayjaan ee ka soo horjeeday Armeniyiinta sannadkii 1918.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online