4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 6 , 2021
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaalmo dhaqaale siinaysa 160,000 qoys


Sabti, November 6, 2021 (HOL) - Munaasabad ka dhacday magaalada Baydhabo ee Dawlad-gobolleedyada Koonfurgalbeed ayaa Sabtida maanta 6 bisha November, 2021 waxaa lagu daahfuray wajiga labaad ee mashruuca qoysaska uu saameeyey Ayaxa.

Wajigii koowaad waxaa ka faa’iideystay qoysas gaaraya 102,000 oo ku nool 42 degmo ee guud ahaan Soomaaliya, iyadoo muddo lix bilood ah la siinayay 60$ bishiiba.

Waxaa hadda wejiga 2aad Dawladda u suurto gashay inay caawimaad dhaqaale ka hesho Bankiga Adduunka, iyadoo la gaarsiin doono ilaa 160,000 qoys cusub oo ku nool 48 degmo ee guud ahaan Soomaaliya.

Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dawlad-gobolleedyada Dalka , Puntland, Jubbaland,Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfurgalbeed oo goobjoog ka ahaa munaasabadda lagu daahfuray mashruuca  ayaa boggaadiyay taageerrada Dawladda ee Dadka nugul iyo kuwa uu saameeyey Ayaxa.

Mudane, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif , Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay  inay Dawladda ku guulaysatay in  si degdeg ah uga jawaabto saamaynta Ayuxu u gaystay bulshada nugul.

“Mashruucan caawinta dadka Ayuxu saameeyay wuxuu ka caawinayaa bulshada aadka saboolka u ah inay ku negaadaan deegaannadooda dibna u wataan noloshooda beeraha, xoolaha iwm.Waxaan haddaba ka rajaynayaa mas’uuliyiinta Dawlad-goboleedyadu inay doorkooda shariifka ah ka qaataan Meelmarinta hawlahan bulshada nugul loogu adeegayo.” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab Ugaas Xuseen.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfurgalbeed , ahna ku-simaha Madaxweynaha , Cali Saciid Fiqi ayaa ku tilmaamay daahfurka wajiga labaad ee mashruucan inuu door weyn ka qaadanayo ka hortagga saameyn ay Bulshada kala kulmaan dhibaatooyinka uu u geystay Ayaxa.

“ Mashruucan oo ujeeddadiisu tahay Bulshada inaysan deegaannadooda ka barakicin, wuxuu sidoo kale Bulshada kalsooni ku siinayaa sida ay Dawladda diyaar ugu tahay ka jawaabida marxadaha deg degga ah ee saameynta bulsho geysta.” ayuu yiri Guddoomiye Cali Fiqi oo si rasmi ah markaa u daahfuray mashruuca.

Mashruuca si degdeg ah uga jawaabidda masiibooyinka saameeya bulshada , ayaa qeyb ka ah siyaasadda Ilaalinta Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka , gaar ahaan barnaamijka Baxnaano.

Iman Jama, Hiiraan Online