4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 6 , 2021
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Fedaraal oo shaaciyay waqtiga ay bilaabaneyso doorashada Golaha Shacabka
 

Sabti, November 6, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Heer Fedaraal Maxamed Xasan Cirro ayaa shaaca ka qaaday in todobaadka soo socda ay si rasmi ah uga bilaaban doonto maamul goboleedyada dalka doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye Cirro ayaa sheegay in dhankooda ay u diyaar garoobeen qabashada doorashooyinka, waxuuna madaxda maamulada dalka uu ka dalbaday iney doorkooda ka qaataan hirgelinta doorashada Golaha Shacabka sidii loo bilaabi lahaa.

“Hannaankeena doorashada waqti badan ayuu soo jiitamayey, rajada haatan waa ay wanaagsan tahay, waxaana ballan qaad ku galnay Madaxda maamulada iyo Guddiyada doorashooyinka in sida ugu dhaqsiyaha badan loo guda galo doorashada Golaha Shacabka, waxaana inoo diyaarsan dhamaan agabkii lagu fulin lahaa howlaha doorashooyinka” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Xasan Cirro.

Waxuu intaasi ku daray in deegaanada maamul goboleedyada ay ka dhaceyso doorashada Aqalka Hoose ay u daabulayaan agabka doorashooyinka lagu qaban lahaa oo dhameystiran, sida Warqadaha Cod bixinta, Sanduuqyada iyo agabyo kale oo muhiim u ah howlaha doorashooyinka.

Hadalka guddoomiye Cirro ayaa imaanaya xili todobaadkii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ay ka dhacday doorashada laba ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose ee gobolada Waqooyi, waxaana xusid mudan in la diiday lagu dhawaaqo natiijada rasmiga ah ee kursiga tirsigiisu yahay HOP239, kaasoo uu kusoo baxay raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, kadib dacwad uu soo gudbiyay Xuseen Carab Ciise oo ahaa Mudanaha kursigaas ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]