4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 6 , 2021
Qarax dhaliyay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho
 

Sabti, November 6, 2021 (HOL) - Ugu yaraan labo qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday, mid kalena wuu ku dhaawacmay qarax waddada hareerteeda la dhigay oo ka dhacay duleedka caasimadda Muqdisho, sida laga soo xigtay dad goobjoog ah.

Warar aan helayno waxay sheegayaan in Qaraxa oo la doonayay in lala beegsado gaari ay dawladdu leedahay uu wadada ka gudbay wax yar uun ka hor inta aanu qaraxu dhicin.

Qaraxu wuxuu qabsaday mooto dad shacab ah ay saarnaayeen oo maraysay deegaanka Garasbaaley, halkaas oo labo qof oo shacab ah ay ku geeriyoodeen, qof kalena uu ku dhaawcmay.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa, waxaase weerrarada noocan ah Muqdisho iyo gobollada ku dhawdhaw ka fuliya kooxda Al-Shabaab.

Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa kamid ah meelaha ugu halista badan ee lagu beegsado gaadiidka dowladda, laakiin badi khaaaruhu wuxuu soo gaaraa shacabka ee wadadaas adeegsada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online