4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 6 , 2021
Banaanbax lagu taageerayo Ciidanka difaaca Itoobiya oo ka dhacay magaalada Godey ee dowlad degaanka Soomaalida
 

Sabti, November 6, 2021 (HOL) - Shacabka ku dhaqan magaalada Godey ayaa saaka isugu soo baxay banaanbax ay ku taageerayeen ciidamada qaranka Itoobiya, kagana soo horjeedaan fallaagada TPLF, ee dagaalka kula jirta dowladda Itoobiya.

Shacabka ayaa watay boodhadh ay ku qornaayeen hal ku dhagyo muujinaya sida uu shacabku uga soo horjeedo kooxda dagaalka kula jirta dowladda.

Banaanbaxyada noocan oo kale ah ayaa maalmahan kasocda inta badan magaalooyinka waawayn ee dalka Itoobiya, waxayna sheegtaa dowladdu inay shacabka oo dhan dhinac uga soo jeesteen kooxda TPLF.

Geesta kale dowladda ayaa wada abaabul ballaaran oo shacabka loogu sheegayo inay dalkooda ka difaacaan waxay dowladdu ku tilmaantay kooxaha argagaxisada ee raba inay dalka burburiyaan.

Magaalooyin kale oo Itoobiya kamid ah ayaa maalintii labaad wada banaanbaxyo noocan oo kale ah.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]