7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 6 , 2021
Booliiska Uganda oo sheegay inuu burburiyeen qaraxyo lagu maleegayay weeraro argigixiso.
 

Sabti, November 6, 2021 (HOL) - Booliiska Uganda ayaa helay bambaanooyin badan kadib howlgal ay sameeyeen ciiddanka wadajirka ah ee la dagaalanka argigixisada kuwaas oo sheegay in ay burburiyeen unugyo argagixiso kadib weeraradii ugu dambeeyay.

Booliiska ayaa falkan u xiray Muwonge Yusuf, oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyo qaraxyadii dhawaan ka dhacay Kireka-Biira, iyo mulkiilaha guriga uu degenaa oo lagu magacaabo Kagwa Uma, isagoo ku eedeysayn inuu gabaad siinayay kooxaha argagixisada.

“Booliiska ayaa weerar ku qaaday 4.11.2021, abbaare 11.30pm, guriga Kaggwa Umar, oo lagu qarinayay mid ka mid ah tuhmanayaasha argagixisada sida weyn loo doondoonayey, oo lagu magacaabo Muwonge Yusuf, 28 jir ah, ayaa lagu yiri bayaanka booliiska.

Booliisku waxay intaas ku dareen inay ka soo saareen bam guriga uu deggan yahay eedaysanaha, isagoo la sheegay in uu qorsheynayay inuu aaso bomka.

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in howlgallada looga hortagayo argagixisanimada ay yihiin kuwo socda, oo illaa iyo hadda lagu soo qabtay dhowr qof oo kala duwan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online