4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 6 , 2021
Maraykanka oo ku baaqay in si degdeg ah loo dhameystiro doorashada Soomaaliya
 

Sabti, November 6, 2021 (HOL) - Maraykanka ayaa dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada ku booriyay in si deg deg ah lsoo dhameystiro doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya, ka hor dhammaadka 2021.

Qoraal lagu daabacay barta Twitterka ee safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in la dardargeliyo hannaanka doorashada.

Doorashada Soomaaliya ayay dib u dhacyo badan ku yimaadeeni, iyadoo bishaan November uu qorshuhu ahaa in ay dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Hase yeeshee, doorashadii xildhibaannada aqalka hoose iyo qorshayaashii kasoo horreeyay oo ahaa soo xulista ergooyinka ayaanan weli lagu guulaysanin in la qabto.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in dhameystirka howlaha doorashada ay qaadan karto dhowr bilood oo dambe, marka loo eego sida ay haatan wax ku socdaan.

Shalay beesha caalamka ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay walaac kaga muujinayaan dib u dhaca doorashada, waxayna hoggaamiyayaasha Soomaaliya ugu baaqeen in si degdeg ah lagu dhmaeysiro doorashada.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online