4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 5 , 2021
Beesha caalamka oo walaac xooggan ka muujisay dib u dhaca doorashada golaha shacabka
 

Jimco, November 5, 2021 (HOL) - Beesha caalamka ayaa sheegtay inay aad uga walaacsan tahay  dib u dhacyada joogtada ah ee ku yimid hannaanka doorashada Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen, in Inkastoo dhawaan uu bilowday hannaanka doorashada golaha Shacabka, haddana jadwalka doorashada uu yahay mid dib u dhac weyn ku yimid waqtigii loogu talagalay.

Beesha caalamku waxay ku boorisay madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed iyo hay'adaha maareynta doorashada inay si dhaqso ah ugu dhaqaaqaan dhameystirka doorashada ka hor dhammaadka 2021, iyadoo la ixtiraamayo qoondada boqolkiiba 30 ee haweenka.

Beesha caalamka waxay kaloo si gaar ah maamulka Galmudug ugu baaqeen inay si deg deg ah u doortaan labada kursi ee harsan si loo dhameystiro hannaanka doorashada aqalka sare.

‘Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, waxaan u soo jeedinaynaa inay si degdeg ah u fuliyaan qodobbada lagu heshiiyey, dib-u-soo-celinta mudnaanta qaranka, gaar ahaan dhammaystirka hannaanka doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka,

Hoose ka aqriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Beesha caalamka:-

Saaxiibada beesha caalamka waxay aad uga walaacsanyihiin dib-u-dhaca kusii socda geedi-socodka doorashada Soomaaliya. Inkastoo billowga dhowaan la billaabay doorashada Golaha Shacabka ay ahayd horumar wanaagsan, ayaa haddana jadwalka doorashada wuxuu si aad ah uga dib dhacay waqtigii loogu talagalay, waxaana loo baahan yahay in la dardargeliyo.

Waxaan ku boorrinaynaa madaxda heer qaran iyo kuwa Dowlad Goboleedyada iyo hay’adaha daadihiya doorashada inay si dhakhso leh ugu dhaqaaqaan dhameystirka doorasho loo dhanyahay laguna kalsoonaan karo ee Golaha Shacabka ka-hor dhamaadka 2021ka, iyadoo la ixtiraamayo qoondada haweenka ee ugu yaraan 30 boqolkiiiba. Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa maamulka Galmudug in uu soo doorto labada kursi ee harsan si loo dhameystiro geedi-socodka doorashada Aqalka Sare.

Saaxiibada caalamku waxay ogsoonyihiin ku-dhowaaqistii dhowaan lagu dhawaaqay in xal laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha. Waxaan ugu baaqaynaa labada hogaamiye inay si degdeg ah u fuliyaan qodobbada lagu heshiiyay, oo ay diiradda saaraan arrimaha mudnaanta u leh qaranka, gaar ahaan dhammaystirka geedi-socodka doorashada.

Saaxiibada caalamku waxay mar kale ku baaqayaan in si buuxdo oo dhakhso ah loo fuliyo heshiisyadii 17kii Sebtembar 2020kii iyo 27kii Maajo 2021ka.

* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Sacuudiga, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online