4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 5 , 2021
Somaliland oo dhisaysa ciidan la dagaalama mukhaadaraadka
 

Jimco, Noveber, 5, 2021 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa ku dhaaqday in ay as aasayso ciidan gaar ah oo loogu talo galay la dagaalanka mukhaadaraadka, sida sharci darada ah loosoo galiyo gudaha Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay as aaska ciidankan, oo noqon doona laan ka kamid ah booliiska, oo leh hogaan iyo dhisme gaar ah.

"Waxa la abuurayaa hogaan la dagaalama mukhaadaraadka, hadaba waa lala dagaalamaa, lakin ciidan gaar ah iyo qalab koodii in la sameeyo, imika waxaynu sifiican ula soconaa in ciidanka booliisku sifiican ugu guulaysteen wax ka qabashada khamriga, xashiishada iyo waxyaanaha noocaasa" ayuu yidhi wasiir Kaahin.

"Waxaanu samaynaynaa booliiska bulshada, waanu samaynay, waanu ku guulaysanay, waana nu balaadhinayna" ayuu wasiirku hadalkiisa sii raaciyay.

Booliiska Somaliland ayaa dagaal joogto ah kula jira mukhaadaraadka ay ugu horeeyaan khamriga iyo xashiishada oo badan kooda si sharci daro ah looga soo galiyo xuduuda Itoobiya.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]