4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 5 , 2021
Muqdisho: Booliis gaar ah oo loo sameeyay la dagaalanka maandooriyaha iyo anshax xumada
 

Jimco, November 5, 2021 (HOL) - Taliyaha ciiddanka Booliiska Soomalaliya, Jeneraal, Cabdi Xasan Xijaar ayaa sheegay in ay sameeyeen booliis gaar ah oo ka shaqeyndoona ilaalinta diinta iyo dhaqanka, si looga hortago dhaqamada foosha xun ee kusoo badanaya magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciiddanka booliiska wuxuu sheegay in ay ciiddankaan iyo leh talis gaar ah u howgali doonaan sidii wax looga qaban lahaa dhallinyarada maandooriyaha isticmaasha iyo kuwa sameeya falalka anshax xumada ah.

“Waxaanu gurmad rasmi ah u galaynaa inaanu gacanta ku dhigno dhallinyaradeena oo aan ka badbaadino waxa kusoo socda mustaqbalkooda,” ayuu yiri taliyaha ciiddanka booliiska Soomaaliya.

Sanadihii ugu dambeeyay, Muqdisho waxaa kusoo badanayay dhallinyaro waddooyinka ku isticmaalaya daawooyin maandooriye ah oo ay isku mudayaan, taasoo marka ay isticmaalaan qatar weyn ku ah naftooda.

Taliyaha wuxuu sheegay in qaar badan oo katirsan hay’addaha dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir ay ka qeyb qaadanayaan taageerada ciiddankan, wuxuuna sheegay inuu howlgalkooda ugu horreeya dhawaan billaabanayo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online