Khaatumo: Waan ka baxnay heshiiskii aan 2017kii la galnay Somaliland

 

Jimco, November 5, 2021 (HOL) - Maamulka Khaatuma ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku muujinayaan in ay isaga baxeen heshiiskii uu madaxweynihii hore ee Khaatuma, AUN. Cali Khaliif Galaydh la galay Somaliland.

newsinsideKhaatuma waxay sheegtay in shir soo bilowday 24kii bishii octobar oo ay isugu yimaadeen laamaha fulinta iyo sharci dejinta maamulkaas ay ku go`aansadeen in laga laabto heshiiskaas.

Waxay Somaliland ku eedeeyeen in ay ku fashilantay fulinta iyo dhameystirka heshiiskii la kala saxiixday labaatankii Octobar 2017.

Hoos ka aqriso qoraal kasoo baxay Khaatuma:-


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online