4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 5 , 2021
Dowladda Soomaaliya oo ku goodisay in ay la xisaabtamayso saraakiisha sare ee AMISOM
 

Jimco, November 5, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha Dibadda, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay la xisaabtami doonto saraakiisha AMISOM gaar ahaan kuwa hoggaanka haya.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegay tallaabadii koowaad ee lagula xisaabtamayo AMISOM, in ay dowladdu ka qaaday ku xigeenkii ergayga midowga Afrika ee Soomaaliya, Simon Mulongo, kaasoo todobo cishe ah loo qabtay inuu dalka uga baxo.

Sarkaalka midowga Afrika ee lagu amray inuu dalka ka baxo,  ayaa lagu eedeeyay inuu faraha kula jiray howlo aan munaasib ku ahayn waajibaadka uu ku joogo ee AMISOM.

"Soomaaliya ma aqbalayso ciddii ka baxda heshiiska lagu wada joogo. Ma oggolaanayso in la marin habaabiyo heshiiska ay ku joogto AMISOM," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda.

Nicholas Haysom oo ahaa safiirkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa sidaan si lamid ah sannadkii 2019 laga eryay Soomaaliya, kadib markii dowladdu ku eedeeysay inuu faraha la galay arrimaha siyaasaddeed ee dalka.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online