4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 4 , 2021
Dowladda Soomaaliya oo ku amartay inuu dalka isaga baxo ku xigeenka Midowga Afrika

Khamiis, November 4, 2021 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku socda ku xigeenka Midowga Afrika ee Soomaaliya ninka lagu magacaabo Simon Mulongo inuu dalka uga baxo muddo 7 cisho ah.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Simon Mulongo uu ku guda jiro howlo aanan waafaqsaneen waajibaadka AMISOM iyo istaraatiijiyada Amniga.

Warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia ayaa Persona Non-grata loogu jaray oo ah nin aan dalka laga rabin, Simon Mulongo oo kasoo jeedda dalka Uganda ayaa ka mid ah xubnaha Midowga ee ka howlgala Soomaaliya.

Simon Mulongo ayaa noqonaya Diblomaasigii labaad ee dowladda Soomaaliya u jarto Pesona Non Grata, waxaana xusid mudan in sanadkii 2019-kii dowladda Soomaaliya ay dalka ka ceyrisay Wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire Haysom.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]