4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 4 , 2021
Raysal wasaare Rooble : Waxaan farayaa dowlad goboleedyada in si degdeg ah ku bilaabaan doorashada golaha shacabka
 

Khamiis, November 4, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray dhammaan dowlad goboleedyada in ay si degdeg ah ku bilaabaan doorashooyinka aqalka hoose ee golaha shacabka.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay in guddiga doorashooyinka heer federal uu maanta kala diray qalabkii ugu dambeeyay ee loogu talo galay in lagu qabto doorashooyinka aqalka hoose.

“Waxaan farayaa tobanka magaalo ee doorashooyinku ay ka dhacayaan iyo maamuladooda in ay u istaagaan dardar galinta doorashada golaha shacabka. Waa arrin degdeg ah oo loo baahan yahay in culays lagu saaro masuuliyiinta dowlad goboleedyada in ay boobsiiyaan doorashada, si dalka looga saaro marxaladda uu ku jiro,” ayuu yiri raysal wasaaruhu.

Qalabkan ayuu raysal wasaaruhu sheegay in loo qaaday tobanka degmo ee ay ka dhacayaan doorashooyinka xildhibaannada, wuxuuna raysal wasaaruhu sheegay in wax kaste ay u dhameystiran yihiin hirgalinta doorashada.

Waxa uu raysal wasaaruhu isla maanta tababar Muqdisho ugu soo xiray ciiddamo katirsan booliiska Haramcad, kuwaas oo loogu talo galay in ay sugaan amniga doorashada.

Raysal wasaaruhu wuxuu sheegay in amniga doorashada loo diyaariyay dhallinyaro rag iyo dumar ah oo dalka dibadiisa lagu soo tababaray, kuwaas oo masuul ka ahaandoona amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online