4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 4 , 2021
Taliyaha ciidanka cirka Soomaaliya oo ka hadlay diyaaraddo Soomaali lahayd oo lagu xaraashayo Kenya
 

Khamiis, November 4, 2021 (HOL) - Taliyaha ciiddamada cirka Soomaaliya Maxamuud Sheekh Cali, ayaa ka hadlay diyaarad ciidamada cirku lahaayeen oo lagu xaraashayo dalka Kenya.

Taliyaha oo la hadlay BBC Somali, ayaa wuxuu sheegay diyaaraddan markii ay burburtay dowladdiii dhexe ee Soomaaliya in ay ka dagtay dalka Kenya, halkaas oo uu sheegay in ay ku ciladowday.

Taliyaha ayaa sheegay diyaaraddu in ay tahay wax la tuuray oo aan dowladda Soomaaliya haatan qorshaha ugu jirin in ay ka fekerto sidii loosoo qaadi lahaa ama loogu sameyn lahaa dayac tir.

“Diyaarad 30 sano meel taallay oo duur la dhigay, oo aan dayactir helin, waxay hadda ka dhigan tahay wax la tuuray, ayuu yiri taliyuhu.

Wuxuu sheegay dowladda Kenya in ay diyaaradda biraheeda xaraashayso, balse aysan jirin diyaarad isku dhan oo ay iibinayso.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ay jiraan diyaaraddo kale oo Soomaaliya kaga maqan dalalka Talyaaniga iyo Ruushka, oo halkaas loo geeyay in lagu sameeyo dayactir, balse la iska hilmaamay markii dowladdii dhacday.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online