4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 4 , 2021
Bandhigga buugga KALA-QEYBINTII SOOMAALIDA QARNIGII 20AAD oo lagu qabtay magaalada Muqdisho


Khamiis, November 4, 2021 (HOL) - Madal si quruxbadan loo soo agaasimay oo lagu soo bandhigayay Buugga KALA-QEYBINTII SOOMAALIDA QARNIGII 20AAD (Nasiibka iyo Nasiib-darrada) oo uu qoray Dr. Cabdullahi Cilmi Maxamed (Asad) ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Daahfurka Buugan waxaa kasoo qeybgalay Wasiiro, Xildhibaano, Agaasimayaal, Bahda qoraayaasha Soomaaliyeed, qaar kamid ah Madaxda Jaamacadaha dalka, Danjirayaal, Madax ka socotay Ururada Haweenka,Dhalinyarada, Dhakhaatiirta & Ardayda Jaamacadaha.

Buugga Qoraaaga ayaa si faah faahsan oga sheekeynaya Taarikhda wakhtigii gumeystaha ee dhulkeena iyo ka horba, iyadoo sido kale si farshaxan ah loogu xardhay suugaan kala duwan oo ka turjumaysa halgankii dheeraa ee loo soo maray xorriyadda aan maanta ku naaloonayno.

Qoraa Cabdullahi Cilmi oo su'aalo laga weydiiyay ujeedada uu buugan u qoray ayaa sheegay iney ku dhalisay markii uu arkay sida ay usii lumayso taarikhda shakhsiyaadkii muhiimka u ahaa olalihii gumeysi diidka, iyo fasiraad khaldan oo uu sheegay in dad badan laga siiyay qaabkii uu gumeystuhu noo kala qeybiyay.

Qoraagu wuxuu sheegay in 20 sano kabadan uu daraasado kala duwan ku waday Taarikhda Dalka, gaar ahaana qaabkii guracnaa ee gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaanigu u kala qeybin jireen dadkii Soomaaliyeed ee xiligaas joogay, Wuxuu intaa ku daray inuu buugiisa ku sheegay shakhsiyaad muhiim u ahaa halganka kuwaas oo xoog iyo xaaladba galiyay sidii la isaga qaadi lahaa heeryada gumeysiga.

Dadka kale ee bandhiga ka hadlay oo ay ku jireen Murashixiin Madaxweyne Daahir Maxamud Geelle iyo Marwo Fowzia Yusuf Xaaji Aadan ayaa ka sheekeeyay Aqoonta ay u leeyihiin qoraaga, waxeyne sheegeen inuu mudanyahay in lagu abaal mariyo wakhtiga dheer ee uu galiyay sidii ubadka soomaaliyeed loo bari lahaa Taarikhda dhulkooda.

Danjire Yuusuf-Garaad Cumar oo ah Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed u qaabilsan Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa ku sifeeyay qoraaga buugga mid juhdi badan ku bixiyay waxbaridda iyo u shaqeynta bulshada Soomaaliyeed, isagoo Tusaale u soo qaatay Aqoonta fiican ee uu u leeyahay dhinaca Biyaha, taas oo uu xusay Yusuf Garaad iney si gaar ah isaga oga wareysan jireen xiligiisiii Shaqada ee BBC.

Madaxda Jaamacadaha Muqdisho, Banaadir iyo Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo iyaguna hadalka isaga danbeeyay ayaa balanqaaday in buuga qoraaga ay oga faa'iideyn doonaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadahaasi, iyadoo qoraaga buugana uu u balan qaaday inuu wakhti galin doono sidii cilmigaasi loogu gudbin lahaa kumanaanka arday ee waxka barta jaamacadaha dalka oo dhan.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Maaliyadda XFS Mudane Cabdullahi Sheikh Cali Qaloocoow oo wakhti badan ay saaxiib ahaayeen qoraaga Buugga Dr. Cabdullahi Cilmi Maxamed (Asad) ayaa ku amaanay wakhtiga dheer ee qoraagu uu galiyay buuggan, isagoo xusay in Dhalinyarada  soomaaliyeed ee ka danbeeya uu wax ka badali doonno fikirkii ay ka heysteen Taarikhda dhulkooda.

Ugu danbeyna qoraaga buugga ayaa guddoonsiiyay Buugiisa Marti sharaftii kala duwaneyd ee kasoo qeybgashay Madasha, isagoo sido kale oga mahadceliyay wakhtigooda muhiimka ah ee ay galiyeen akhrinta buugaan, oo uu rajeynayo inuu noqdo mid waxbadan ka badala fikirka bulshada Soomaaliyeed ee qeybintii Soomaalida Qarnigii 20aad.

Yusuf Abdi Shire, Hiiraan Online
[email protected]