4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 4 , 2021
NISA oo ku qabatay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho diyaarado Drones ah


Khamiis, November 4, 2021 (HOL) - Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku qabtay diyaarado Drones ahaa.

Diyaaradaha Drones-ka oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Nisa ayaa gaarayay ilaa lix diyaaradood kuwaas oo la sheegay iney kala furfurnayeen, islamarkaana la rabay in lagu rakibo gudaha magaalada Muqdisho.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in diyaaradahaan laga soo iibiyay dalka Turkiga islamarkaana ay wadeen laba nin oo Turki ah oo la sheegay iney ahayeen farsama yaqaano diyaaradahaani isku rakibi lahaa, waxaana labadaasi nin ay sii daayeen ciidanka NISA markii ay safaarada dalka Turkiga soo faragalisay arintooda oo dalbatay in loo sii daayo.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji ayaa sheegay  inay diyaaradaha Drons-ka ay ciidamada NISA gacanta ku dhigeen ay leedahay shirkadda Hufan, kuwaas oo uu sheegay in aay usoo iibsadeen si aay ugu adeegsadaan waraabka beeraha.

"Dayuuradaha iswada "Drones" oo aan ka keenay wadanka Turkiga, Diyaaradahaas oo ay leedahay shirkadda Hufan oo ka shaqeysa ladagaalanka cayayaanka Beeraha, waraabka beeraha iyo dhammaan howlaha la xiriira beeraha ayay hay'adda NISA si sharci darro ah ula wareegtay. Diyaaradahan ayay shirkadda Hufan ugu talo-gashay la dagaalanka iyo buufinta Anyaxa, Waraabinta Beeraha iyo in lagu ogaado wabiyada meelaha ay ka jilcanyihiin ee uu ka fataho" ayuu yiri Xildhibaan Zakariye.

Xildhibaanka ayaa ka codsaday hay'adda NISA inay hantida ay leedahay shirkadda Hufan oo uu sheegay in loogu talogalay in loo adeego howlaha beeraha iyo horumarinta beeraleyda Soomaaliyeed iney si deg deg ah ugu soo celiso gacanta Shirkadda Hufan.

Gabagabadii majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka taliska NISA oo ku aadan diyaaradahaan Drones-ka ah ay gacanta ku dhigeen.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]