4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 3 , 2021
Dawladda Federaalka iyo Dawlad-gobolleedyada oo xoojinaya iskaashiga dhammeystirka Diiwaanka mideysan iyo xog-keydiyaha Bulshada
 

Arbaco, November 3, 2021 (HOL) - Shir wadatashi ah ayaa maanta uga furmay Muqdisho , wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawlad-gobolleedyada Dalka.

Wadatashiga ayaa diiradda lagu saaray dhammeystirka diiwaanka mideysan iyo xog keydiyaha Barnaamijka Baxnaano, iyadoo hannaankan oo ay Dawladda maamuleyso  gacan ka geysanayo  in si midaysan hal meel loogu hayo macluumaadka dadka la caawinayo ee dhammaan mashaariicda socota taasoo sahlaysa isu-duwidda iyo waxtarnimada mashaariicda, isla markaana dawladdu si hufan ugu adeegto muwaadiniinteeda.

Wasiirka Qorsheynta Qaranka , Jamaal Maxamed Xasan ayaa kulanka ka sheegay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Dawladda wakiil uga ah hannaankan in looga baahan yahay dhammeystirka diiwaanka bulsho iyo xog-keydiyaha. 

Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawlad-gobolleedyada , Puntland , Galmudug,Hirshabeelle, Jubbaland iyo wasiir ku-xigeenka Koonfurgalbeed , ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay inay go’antahay dhammeystirkan nidaamka xogta Bulshada iyo hirgalinta siyaasadda Arrimaha Bulshada.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa gabagabada kulanka sheegay  siyaasadda Arrimaha Bulshada inay door ka qaadanayso kobaca Bulshada nugul, wuxuu tilmaamay xog-keydiyaha inuu suragalinayo Dawladda inay maamusho dhammaan xogta Dadka nugul ee ku nool dalka.

“Dadaalkeenna hadda wuxuu yahay in la dhammeystiro hannaanka sida ugu dhaqsadaha badan, wuxuu na gaarsiinayaa inan ognahay guud ahaan deegaannada dadka nugul ee xaaladaha deg degga ah wajihi kara xaaladaha bani’aadanimo.” ayuu yiri wasiir Cabdiwahaab.

Iman Jama, Hiiraan Online