4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 3 , 2021
Booliiska Somaliland oo soo bandhigay tirrada danbiyada Somaliland ka dhacay sannadkan 2021
 

Arbaco, November 3, 2021 (HOL) - Tirrada guud ee danbiyada Somaliland ka dhacay sannadkan 2021 waa 19,230 danbi, waxaa been noqday 4,400, waxa laga heshiiyay 6,085, waxa baadhis ku jira 1,077, waxa maxkamad la horgeeyay 7,668, waxa la xukumay 6,034, waxa wali gar suge ah 1,634 danbi.

"Tirrada guud ee danbiyada dhacay sannadkan isu gayntoodu waa 19,230, inta beenowday waa 4,400, inta heshiis laga gaadhay waa 6,085, inta baadhis wali ku jirta 1,077, inta maxkamad la horgeeyay ee gartooda la qaaday 7,668, inta xukun ku dhacay waa 6,034, inta garsugaha ahi waa 1,634" sidaa waxa yidhi sarkaal booliiska u hadlay.

Tirada guud ee dilalka dhacay waa 89 dil oo ay galeen 89 eedaysane, waxaana gacanta lagu dhigay 84 eedaysane, halka 5 eedaysane ay baxsadeen.Tirrada kufsiyada dhacay waa 232, waxaana lagu eedeeyay 260 qof, waxaa la qabtay 245, halka 15 eedaysane ay baxsadeen.

Shilalka gaadiidka ee sannadkan dhacay waa 5,581, dadka ku dhintay waa 212, dadka ku dhaawacmay waa 3,771, waxana ku burburay 3,101, xoolaha ku dhaawacmay ama ku dhintay waa 458, halka  tirrada dhismayaasha ay burburiyeen tahay 102.

Mukhaadaraadka ay ciidanku qabteen sannadkan waa 41000 oo khamri ah, 3000 oo caagagood oo isbiirto ah iyo tirro kale oo xashiishad ah,  eedaysanayaasha loosoo xidhay mukhaadaraadku waa  1,313 qof. Tirrada danbiyada abaabulan ee sannadkan la qabtay waxay ahaayeen 27 eedaysane oo 23 kamid ah maxkamad la horgeeyay.

Tirrada caruurta la tuuray sannadkan ayaa iyaguna dhamaa 40 caruur ah.

Ciidanka booliiska ayaa warbixintan kusoo bandhigay xaflada munaasibada sannad guurada 28aad ee kasoo wareegtay markii ciidanka booliiska Somaliland la aas aasay, oo magaalada Hargaysa lagu qabtay.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]