4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 3 , 2021
Diyaarad xamuul ah oo ku gubatay garoonka diyaaraddaha Doolow
 

Arbaco, November 3, 2021 (HOL) - Diyaarad xamuul ah oo nooceeda uu yahay C-160 ah ayaa goor dhowayd dab qabsaday xilli ay ku sugneyd dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Doolow.

Diyaarada saacado ka hor shilkeeda waxay shixnad ka qaaday magaalada Muqdisho, waxaana diyaaradan iska lahayd shirkadda duulimaadyada ee Save Air.

Guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buule Maxamed (Canjeex), oo hadda la hadlay warbaahinta wuxuu sheegay in dabku ka kacay diyaaradda gudaheeda, xilli ay isku diyaarinaysay in ay ka duusho garoonka.

“Mar allaale markii diyaaradu kacaysay  ayaa iyada gudaheeda dabku ka dhashay, waxaana dabkaasi uu ka bilowday wareega uu taayarku sameynayay, sidaas ayay diyaaraddani ku gubatay,’ ayuu yiri guddoomiye Canjeex.

Guddoomiyaha gobolka Gedo  wuxuu sheegay in xilliga dabku kacayay aanay cidina ku jirin diyaaradda gudaheeda, marka laga reebo duuliyaha iyo shaqaalahiisa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online