4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 3 , 2021
Madaxweyne Biixi oo ka jawaabay soo jeedintii baarlamaanka Puntland ee ahayd in Somaliland argagixiso loo aqoonsado
 

Arbaco, November 3, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in filan waa ayku noqotay in xubno kamid ah baarlamaanka Puntland ay yidhaahdaan, "Somaliland liiska argagixisada halagu daro", waxaanu kaga jawaabay in Somaliland ay rabto jaar wanaag iyo nabad.

Madaxweyne Biixi, ayaa sheegay in uu la yaabay in rag waawayn oo baarlamaanka Puntland ka tirsani ay soo jeediyaan in Somaliland lagu daro boga argagixisada, isagoo sheegay in aanu garanayn sida ay arrin taasi uga suurowday.

"Waxad maal mahan idaacadaha waa wayn ka maqlayseen dood uu soo dhigay baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland oo la yaab lahayd, oo aanan garanayn sida ay ku timid iyo sida rag waawayn oo aynu jaarnahay uga suurtowday, kuwaas oo yidhi Somaliland ha lagu daro liiska argagixisada" ayuu yidhi Biixi.

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in Somaliland anay diyaar ahayn wax aan ka ahayn in ay nabad iyo jaar wanaag kula noolaato jaarkeeda, isla markaana ay rajaynayso in Soomaaliya nabadi ka dhalato, ayna u ducaynayaan.

"Waxan leeyahay anagu hadii aanu nahay qaranka Somaliland, waxaanu filanaynaa in Soomaaliya nabad loo doono, gudahooda ka heshiiyaan, anaguna aanu u ducayno, colaad kama rabno, halkaa ay dhigeen waxaanu anagu u dhigaynaa walaaltinimo, in ay guryahooda hagaajistaan, jaar wanaagsan oo walaalo ahna aanu noqono" ayuu yidhi Biixi.

Xubno kamid ah baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa todobaadkan soo jeediyay in Somaliland loo aqoonsado argagixiso, taasi oo madaxweyne Biixi ku tilmaamay wax lala yaabo, isagoo sheegay in ka Somaliland ahaan,  anay diyaar u ahayn wax aan ka ahayn jaar wanaag iyo nabad.

Abdilahi Abdirahman Mohamed, Hiiraan Online
[email protected]