4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 3 , 2021
Puntland oo deegaannadeeda ka mamnuucday isticmaalka Kaamerooyinka Droneska
 

Arbaco, November 3, 2021 (HOL) - Puntland ayaa degaannadeeda sababo amni awgeed uga mamnuucday isticmaalka kaameerooyinka Droneska, kuwaas oo si aad ah ugu badanayay gudaha Puntland.

Go’aan kasoo baxay wasaaradda amniga Puntland, ayaa lagu sheegay, in kaamirooyinka droneska aan lalasoo galin karin garoomada, kantaroolada iyo dekedaha, waxaana laamaha amniga lagu wargaliyay in ay si degdeg ah u fuliyaan go’aankan.

Wasaaradda amniga waxay sidoo kale ku wargaliyay hay’addaha amniga in ay muujiyaan feejigaan dheeraad ah oo xagga amniga, si loo adkeeyo amniga Puntland, xilligan kala guurka ah.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online