8/13/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 29, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo kulan la yeeshay Guddiyada Doorashada Heer Fedaraal, Heer Dowlad Goboleed iyo Xalinta Khilaafaadka
 

Isniin, November, 29, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galinkii dambe ee Maanta shir kula qaatay aaladda fogaan aragga ee ZOOM-ka guddiyada doorashooyinka heer Fedaraal, heer dowlad goboleed iyo kan Xalinta Khilaafaadka.

Raysal wasaare Rooble ayaa faray guddiyada doorashooyinka iney dhowraan ilaalinta hufnaanta doorashada iyo wadashaqeynta dhexdooda ah, si doorashada ay u noqoto mid lagu kalsoonaan karo.

"Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadku waxay leeyihiin waajibaad shaqo oo ay tahay in ay si hufan uga soo dhalaalaan. Waxa ugu weyn ee shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan waa in ay si hufan oo caddaalad ah u maamulaan doorashada iyo xallinta murannada ka dhasha, si waafaqsan habraacyadii lagu heshiiyay oo caddeynaya cid walba in kaalinteeda doorashada" ayuu yiri Raysal wasaare Rooble.

Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale faray guddiyada iney ka fogaadaan wax walba oo keeni kara iney cid gaar ah u eexdaan, islamarkaana ay doorashada u maamulaan si lagi kalsoonaan karo.

"Waxaan ku boorriyay in aysan cid gaar ah u eexan, qaadan kaalin aysan lahayn, xoojiyaan wadashaqeynta dhexdooda ah, isla markaana aqbalin faragelin sharciga baal marsan, si doorashada ay maamulayaan u noqoto mid hufan oo lagu kalsoonaan karo" ayuu yiri Raysal wasaare Rooble.

Kulankaan ayaa imaanaya xili saacadahii lasoo dhaafay ay kordheen cabashooyinka laga muujinayo doorashooyinka Golaha Shacabka ee laga bilaabay deegaanada maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, islamarkaana ay shalay kulan waqti dheer qaatay wada yeesheen Midowga Musharaxiinta iyo Raysal wasaare Rooble, kaasoo looga hadlay walaaca Musharaxiinta ay ka muujiyeen doorashada Golaha Shacabka sida ay ku socoto.

 

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
11/29/2021 8:19 AM EST
Isniin, November, 29, 2021 (HOL) - Iyadoo maanta qorshuhu ahaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lagu qabto doorashada afar kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka, ayaa waxaa dib loo dhigay kursi ka mid ahaa afarta kursi ay horay u shaaciyeen guddiga hirgelinta dooraashada maamulka Koonfur Galbeed.

11/29/2021 7:50 AM EST
Isniin, November, 29, 2021 (HOL) - Shalay Axadii waxaa magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota lagu soo gabgabeeyey shirkii Jimciyadda Islaamiga ee Waqooyiga America, Islamic Association of North Ameica (IANA). Shirkan ayaa si rasmi ah uga socday magaaladda mudo sadax cisho ah, Shirkan oo ah shir sannadkiiba mar la qabto ayaa sanadkii hore u baaqday xanuunka covid 19 awgiis, shirkiin waa kii 20aad ee la qabto.

11/29/2021 7:46 AM EST
Isniin, November, 29, 2021 (HOL) - Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, oo BBC Somali, uga warbixiyay socdaalkiisa Muqdisho, ayaa sheegay in uu u yimid xalinta khilaaf ka dhextaagnaa madaxda Somaliland kasoo jeeda ee Soomaaliya xilalka ka haya, isagoona sheegay in uu shacabka Somaliland la qabo gooni isutaaga Somaliland.

11/29/2021 7:02 AM EST
Isniin, November, 29, 2021 (HOL) - Magaalada Boosaaso ayaa kusoo laabatay xasilooni, kadib markii saddexdii maalin ee lasoo dhaafay ay u muuqatay mid qarka u saarnayd inuu ka dhaco dagaal salka ku haya xilka ka qaadista agaasimaha hay’adda PSf, Maxmuud Cismaan Diyaano.

11/29/2021 6:21 AM EST
Isniin, November, 29, 2021 (HOL) - Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw u ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar halkaas oo ay uga bilaabanayso booqasho shaqo oo labo maalmood ah.

11/29/2021 4:31 AM EST
Isniin, November, 29, 2021 (HOL) - Ciiddanka Duufaan ee qeybta ka ah NISA oo howlgal qorshaysan xalay ka fuliyay degmada Heliwaa gaar ahaan Suuqa Xoolaha ayaa kusoo qabtay xubno katirsan Alshabab.

11/29/2021 4:00 AM EST
Isniin, November, 29, 2021 (HOL) - Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Belgium, Yonis Yaasiin Xaashi (Ooga-Cadde) ayaa xilkiisa la wareegay kaddib markii uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Boqorka dalka Belgium Boqor Philippe.

11/29/2021 12:53 AM EST
Isniin, November, 29, 2021 (HOL) - Waxaa maanta lagu wadaa in markale lagu qabto magaalada Baydhabo afar kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

11/29/2021 12:46 AM EST
Isniin, November, 29, 2021 (HOL) - Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in raysal wasaare Rooble uu qaadanayo masuuliyadda musuq maasuqa doorashada dalka ka socota, maadaama isaga doorashada gacanta loo galiyay.