4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 29, 2021
Dadaallo xilka loogu wareejinayo agaasimaha cusub ee PSF oo ka socda magaalada Boosaaso
 

Isniin, November, 29, 2021 (HOL) - Magaalada Boosaaso ayaa kusoo laabatay xasilooni, kadib markii saddexdii maalin ee lasoo dhaafay ay u muuqatay mid qarka u saarnayd inuu ka dhaco dagaal salka ku haya xilka ka qaadista agaasimaha hay’adda  PSF, Maxmuud Cismaan Diyaano.

HOL, ayaa ogsoon in ay socdaan dadaallo lagusoo afjarayo xiisadaha magaalada ka jira, waxaana xusid mudan in ciidanka PSF ay banneeyeen dhufaysyo ay ka samaysteen xaafado kamid ah Boosaaso.

Agaasimaha xilka laga qaaday ee Maxamuud Cusmaan Diyaano ayaa ku amray ciiddanka PSF in aanay wax xabbad ah ridi karin, ayna si caadi ah u wataan shaqooyinkii loo igmaday ee sugida amniga.

Warar aan helayno waxay sheegayaan inay socdaan wada hadalo lagu doonayo in xilka lagu wareejiyo agaasimaha cusub ee uu madaxweyne Deni dhawaan usoo magacaabay hay’adda PSF.

Madaxweyne Deni ayaa maalintii shalay sheegay in uusan wax gorgortan ka gali doonin xil ka qaadista lagu sameeyo saraakiisha xilalka haya, isagoo sheegay xilku inuusan ahayb mid qabiil leeyahay.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]