Safiirka Soomaaliya ee Belgium oo warqadihiisa aqoonsiga ka guddoomay Boqorka dalkaas

Cabirka Farta

Isniin, November, 29, 2021 (HOL) - Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Belgium, Yonis Yaasiin Xaashi (Ooga-Cadde) ayaa xilkiisa la wareegay kaddib markii uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Boqorka dalka Belgium Boqor Philippe.

newsinsideSida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Belgium, Benelux iyo Midowga Yurub, ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Philippe Léopold Louis Marie oo ah Boqorka dalka Belgium.

Boqorka Belgium-ka ayaa u hambalyeeyay safiirka cusub ee Soomaaliya, isagoo u rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha loo igmaday ee ah xoojinta iyo soo nooleynta xiriirkii wanaagsanaa ee Brussels iyo Muqdisho.

Boqorka dalka Belgium ayaa Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay inay sii wadaan horumarka, kobaca iyo barwaaqada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online