1/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 28, 2021
Puntland: Ku dhowaad 100 askari oo katirsan ciiddanka Daraawiishta Puntland oo ku biiray ciiddanka PSF
 

Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Ku dhawaad 100 askari oo katirsanaa ciiddamada Daraawiishta maamulka Puntland ayaa maanta ku biiray ciiddanka PSF ee ka gadoodsan xil ka qaadistii dhowaan lagu sameeyay taliyahoodii ugu sarreeyay.

Qaar kamid ah askarkan oo saxaafadda kula hadlay xerada ciiddanka PSF ee magaalada Boosaaso, ayaa waxay sheegeen in ay ka kala yimaadeen Mudug iyo deegaannada kale ee Bari, iyagoo sheegay in qorshaha loo geeyay Boosaaso uu ahaa in ay weeraraan PSF.

Askartu waxay sheegeen in aanay suurtagal ahayn in loo adeegsado arrimo siyaasadeed isla markaana la isku jebiyo ciiddanka amniga Puntland, waxayna kaloo sheegeen in ay ka cabanayaan maalmo xumo.

Saraakiisha PSF ayaa ku eedeeyay madaxda Puntland inay iska horkeynayaan ciiddamada Puntland, iyagoo ciiddamada kale ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan in la qaldo sida ay sheegeen saraakiisha PSF.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli maanta duqa magaalada Boosaaso  Cabdiqani Axmed Ismaacil (Deero Dile) uu sheegay in ciidamo katirsan kuwa PSF ay kasoo goosteen taliskooda. Duqa ayaa dhinaca kale digniin adag u jeediyay taliyaha xilka laga qaaday.

Wuxuu uga digay inuu xilka isku dhajiyo. Wuxuu sidoo kale sheegay ciidamada PSF in ay barakicinayaan shacabka magaalada Boosaaso, una sheegayaan inuu magaalada ka dhacayo dagaal.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]