4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 28, 2021
Guddiga doorashada Koonfur galbeed oo qabtay doorashada kursigii uu guddoomiye Jawari dacwada ka gudbiyay
 

Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Maxamed Cali Xasan ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay 103 ee golaha shacabka, kaasoo shalay guddiga heer federal ee doorashooyinka Soomaaliya ay amreen in la joojiyo kadib markii uu dacwad kasoo gudbiyay Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.

Hase yeeshee guddiga doorashada Koonfur galbeed ayaa warkaasi iska diiday, iyagoo ku adkaystay in ay doorashadiisa qabanayaan maanta oo axad ah, wayna qabteen.

Musharrax Maxamed Cali Xasan ayaa doorashada kursigan kaga guulaystay Mukhtar Cali Ibraahim, wuxuuna helay 78 cod, halka musharraxa la tartamayay uu helay 18 cod.

Lama oga tallaabada uu qaadi doono guddiga doorashada, kuwaas oo guddoomiyihii hore ee barlamaanka Soomaaliya ka qabtay dacwad uu ka qabay doorashada kursiga beeshiisa.

Jawaari iyo musharraxiin kale ayaa Muqdisho ka wada abaabul ka dhan ah waxay ugu yeereen boobka qaran ee lagu hayo doorashada aqalka hoose, waxayna  arrintaas isku fikir ka yihiin rag uu kamid yahay Cabdiraxmaan Tuur yare, taliyihii hore ee NISA.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online