4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 28, 2021
Doorashada kuraas uu ka mid yahay kursigii loo diiday Jawaari oo maanta ka dhaceysa magaalada Baydhabo
 

Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Waxaa maanta markale lagu wadaa in magaalada Baydhabo ay ka dhacdo Doorashada afar kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Kuraasta maanta lagu dooranayo magaalada Baydhabo waxaa ka mid ah kursiga loo diiday in uu u tartamo guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Guddiga hirgalinta doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku adkeystay inay maanta qabanayaan doorashada Afarta kursi uu ka mid ka yahay kursiga Jawaari loo diiday, xili guddiga doorashooyinka heer federaal ay dalbadeen in la hakiyo doorashada kursiga HOP 103 oo Afartii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay guddoomiyahii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari.

Kuraasta doorashadooda Maanta ka dhaceyso magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa kala ah, HOP, 103, HOP 41, HOP 42 HOP 89,

Guddiga hirgalinta doorashada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shalay magaalada Baydhabo ku qabtay doorashada sadex ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo aheyd kuraastii ugu horeysay ee lagu doorto Xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]