4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 28, 2021
Golaha midowga musharraxiinta oo sheegay in ay dalka ka badbaadinayaan boobka lagu hayo doorashada
 

Axad, November, 28, 2021 (HOL) - Golaha midowga Murrashaxiinta, ayaa shaaciyay in aysan aqbali doonin doorasho lagu shubtay, waxayna Muqdisho ka wadaan shir gooni gooni oo ay ugu magac dareen "ka badbaadinta dalka boob qaran oo lagu hayo doorashada dalka."

Golaha midowga Musharraxiinta ayaa sheegay in ay diiradda saaraayaan waddo kasta oo lagu gaari karo doorasho xor iyo xalaal ah, waxayna maalmaha soo socda la kulmi doonaan raysal wasaaraha.

Warar aan helayno waxay sheegayaan in dhawaan raysal wasaare Rooble uu ka hadli doono caqabadaha doorashada ka taagan iyo eedaynta loo jeediyay ee ku saabsan in uu wax ka qaban la’ yahay boobka lagu hayo doorashada aqalka hoose sida ay sheegeen golaha musharraxiinta.

Midowga Musharraxiinta waxay sheegeen in lagu tuntay dhammaan habraacyadii doorashada, taasoo ay sheegeen in ay halis galin karto xasiloonida dalka iyo jiritaanka dowladnimo ee Soomaaliya.

Waxay ku howlan yihiin in ay mar kale dib usoo abaabulaan ciiddamadii badbaado qaran sida uu warbaahinta gudaha ka sheegay taliyihii hore ee hay'adda NISA, Cabdiraxmaan Tuur yare.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online