4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 26, 2021
Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo fariin u diray Musharaxiinta cabashada qaba
 

Jimco, November, 26, 2021 (HOL) - Iyadoo maalmahii lasoo dhaafay ay soo kordheysay cabashada laga muujinaayo habka ay ku socoto doorashada Golaha Shacabka, ayaa waxaa arintaasi ka hadlay guddiga xalinta khilaafaadka oo ku baaqay in Musharaxiinta wixii tabasho ah ay qabaan ay usoo gudbiyaan guddiga.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Xalinta khilaafaadka Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa tilmaamay in musharax kasta oo tabanayo cabasho ay u garnaqi doonaan oo aysan ogolaan doonin in muwaadin kasta aan la duudsiin doonin xaquuqdooda aas aasiga ah ee ku saabsan inuu wax doorto ama la doorto.

“Musharax kasta waxaan ka codsaneynaa in cabashadooda ay anaga toos noo soo marsiiyaan oo aysan la aadin baraha bulshada” Ayuu yiri Maxamed Ibraahim Barre.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa sidoo kale sheegay in cid kasta oo Musharax ah oo soo marta habraaca loogu talo galay cabashada iney wax ka qabanayaan tabashadooda, islamarkaana waxay ka digeen in cabashada ay qabaan musharaxiinta ama cid walba ineysan cabashadooda kuso gudbin baraha Bulshada ama warbaahinta.

Hadalkaan kasoo baxay gudiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa kusoo beegmaya xili ay doorashooyinka socda ee Golaha Shacabka ay ka jiraan cabasho aad u fara badan ay muujinayaan Musharaxiinta dooneysa iney ku tartamaan oo xata waliba qaarkood laga hor istaagay iney tartamaan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]